Dowladda Soomaaliya oo safiir cusub u magacowday Dalka K/Africa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay xilkii ka qaaday safiirkii Soomaaliya u fadhiyey dalka Koonfur Afrika Amb, Jamaal Maxamed Barow, iyada oo safiir Cusub u magacaawday dalkaasi.

Warar soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in Dowladda ay safiirka Cusub ee Soomaaliya u fadhin doona  Koonfur Afrika u Magacaawday Maxamed Cali (Nabadoonka) Qunsuulkii Hore Ee Safaarada Soomaaliya  Magaalada Pretoria  ee dalkaasi Koonfur Afrika.

Maxamed Cali (Nabadoonka) ayaa sidoo kale mar kuxigeeno u soo noqday Safiirkii hore ee Koonfur Afrika ee geeriyooday Sayid Shariif iyo kan hadda booska baneynaya ee Jamaal Maxamed Barow.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku sugan Soomaali farabadan oo Ganacsiyo kala duwan ku leh,waxaana inta badan ay la kulmaan dhibaatooyin isugu jira dil iyo in la boobo hantidooda.