Go’aanka Dacwada Badda dib loogu dhigay oo tuhun abuuray?

Aadbay uga naxeen shacabka Somaliyed meel uu joogaba warkan soo yeeray ee sheegaya in mudo Hal sana ah markale dib loo dhigay go’aan ka gaaristii Dacwada Badda.

Maalmahan waxaa si hoose laysula dhexmarayay in madaxda Dowlada Fadaraalku aqbaleen wada xaajood ay ka galaan arinta Badda.

Wada xaajoodkaas,ayaa waxaa horboodaya Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed sida warku sheegayo.

Go’aanka galabta soo baxay waxuu xoojinayaa warkaas horay usoo baxay,

Dowlada Fadaraalka ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo,ayaa laba barnaamij xooga saaraysay in ay ka miro dhaliso si ay magac ugu hesho,labadaas oo kala ahaa..

1.Dacwada Badda

2.Barnaamijka dayn cafinta.

Barnaamijka dayn cafinta,ayaa waxaa caqabad ku noqotay siyaasada gooni goosadka ah ee ku dhisan kali talisnimada ee ay ku dhaqmaan madaxda Dowlada Fadaraalka.

Safiirka Maraykanka ee Somaliya Yamamoto waxuu si cad usheegay in qorshaha dayn cafinta Somaliya aysan ku filnayn oo kaliya nidaam dayn cafineed oo la dhiso ee sidoo kale uu ubaahan yahay siyaasad xasiiloon oo lawada wadaago.

Hogaamiyayaasha Dowlada Fadaraalka Somaliya waxaa uga haray mudo xiloodkoodii 15-bilood iyagoon wax la taaban karo oo ay qabteen aysan jirin.