Isku dhicii ilaalada W.Maaliyada iyo Ciidamada PSF Oo….

9-kii bisha ee uu Madaxweyne Deni udhoofayay Kismaayo waxay sidoo kale ay ahayd maalin Maxaabiis ka tirsanaa kooxda Daacish la saarayay Maxkamad.

Hadaba sagootinta Madaxweynaha iyo kasoo celinta Maxaabiistaas ee Maxkamada waxay sababtay in ilaalada Wasiirka Maaliyada iyo Ciidankii galbinayay Maxaabiista ee PSF ay si khaldan iskugu dhacaan.

Dhacdadaas waxaa loo saaray Gudi,kaasoo baaris dheer kadib ugudbiyay Madaxweyne Deni xog ururintoodii si uu go”aan uga qaato.

Xogo aan si hoose uga helay ilo lagu kalsoonaan karo waxay ii xaqiijiyeen in khaladka dhacdadaas ay lahaayeen ilaalada Wasiirka Maaliyada,sababtoo ah waxay hor bilaabeen Xabada,isla markaana way sii wadeen,iyagoo aqoonsaday Ciidanka.

Jibril Qoobey.