Madaxweyne Deni oo dib ugu soo laabtay Magaalada Boosaaso

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, kaddib maalmo uu Ku sugnaa Magaalada Kismaayo oo uu uga qeyb-galay Caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland.

Madaxweyne Deni iyo waftigiisa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso, waxaana la filayaa inuu maalmaha soo socdo ku sugnaado Boosaaso, halkaas oo uu kulamo kula yeelanayo Isimada iyo Siyaasiyiinta Gobalka Bari.

Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa inta uu Ku sugan yahay Magaalada Boosaaso la kulmay wakiilo ka socda dalalka caalamka.

Dib ugu soo laabashada Madaxweynaha Dowladda Puntland ee xarunta Ganacsiga Puntland ayaa kusoo aadaysa xilli ay Xukuumaddiisu dadaal ugu jirto Xoojinta amniga Magaalada Boosaaso, si loo hir-geliyo Mashaariicda Dowladdu ka waddo Magaaladaas, gaar ahaan Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Boosaaso oo heshiis lagula galay Shirkaddo laga lee yahay Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.