Masuuliyiin loo heysto Qaraxii lagu dilay Guddoomiye C/rashiid oo Maxkamad lasoo taagay (Sawirro)

Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabaka dia ee Soomaaliya ayaa waxaa Maanta oo Khamiis ah la horkeeney Guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan iyo Shaqsi kale.

Guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas iyo Nuur Ibraahim Mahad-Alle iyo Shaqsiga kale oo lagu Magacaabo Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi (Cawaale) ayaa loo heystaa qarax lagu diley Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Amniga iyo Siyaasada degmada Maxaas Cabdirashiid Cusmaan Carab,qaraxaas oo dhacay 19-kii Bishii april ee Sanadkaan 2019.

Qaraxii lagu dilay kuxigeenkii hore ee Amniga iyo Siyaasada degmada Maxaas Cabdirashiid Cusmaan Carab ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay xilligaas Ururka Al-Shabaab,hayeeshee Mas’uuliyiintaan loo xiray arrimo la xiriira tuhun.