Maxaa kasoo baxay kulankii Madaxweynaha Puntland iyo Isimada Jubbaland ? (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan is-xogwaraysi ah kula qaatay caasimadda KMG ee Kismaayo Isimada, Nabadoonada iyo Wax-garadka Jubbaland.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweyne Deni ku wehelinaayey Madaxweynihii hore ee Puntland Sanator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole), Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan Baarlamaanka iyo Wasiirada Jubbaland, weftigii Madaxweynaha iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa is-xogwaraysi ka dib ku booriyey Isimada Nabadoonada iyo Wax-garadka Jubbaland inay kala shaqeeyaan Dowladda horumarinta, xasilinta, xoraynta iyo nabadda dhammaan degaanada Jubbaland, waxaana uu Madaxweynuhu xusay in wadashaqaynta shacabka iyo Dowladda horseedo horumar, amni iyo dowlad wanaag.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kula dardaarmay haldoorka Jubbaland inay garabsiiyaan Madaxda cusub si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo ee dastuuriga ah, Isla markaana ay si wada jira ugala shaqeeyaan xaalad kasta oo lid ku ah xasiloonida iyo horumarka Jubballand.