Turkiga oo xayiraya Madaxyada Nukliyeerka Mareykan ee dalkiisa yaalla

Warbaahinta Mareykanka ayaa kusoo warrantay in saraakiil katirsan dowladda dalkaas ay ka digeen in 50 madax oo Gantaalada Niyukleyrka ee Mareykanka u yaalla gudaha dalka Turkiga ay xayirtay dowladda dalkaas.

Xukuumadda Washington ayaa isku dayeysa sidii xal diblomaasiyadeed loogu heli lahaa arrintan, xilli Turkiga uu waqooyiga dalka Suuriya ka wado duulaan uu ku baacsanayo Kurdiyiinta Suuriya.

Bixitaanka ciidammada Mareykanka ay ka baxeen waqooyiga dalka Suuriya ayaa dhalisay in ciidamada Turkiga iyo kuwa Ruushka ay ku siqaan goobihii ay heysteen askarta Mareykanka, sidoo kalena halkaas ay isaga baxaan isbaheysigii Mareykanka uu ku lahaa gobolka – Kurdiyiinta Suuriya.