VIDEO: Golaha Degaanka Degmada Burtinle oo doortay Guddoomiye iyo ku-xigeenkiis

Golaha Degaanka cusub ee Degmada Burtinle ee Gobalka Nugaal ayaa doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeen, kaddib doorasho gacan tag ah oo xalay ka dhacday Degmadaas.

Guddoomiyaha Degmada Burtinle ayaa waxaa ku tartamayay Labo Musharax, iyadoona uu ku guuleystay Sayid Maxamuud Xirsi, kadib markii musharaxii latartamayey uu u tanaasuley.

Guddoomiyaha Degmada Burtinle Sayid Maxamuud Xirsi.

Sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Burtinle ayaa loo doortay Saalax Maxamed Abdulle, isagoona helay codad gaaraya 11 Cod, halka musharax Cali Geele Maxamed  oo la tartamaya uu isna helay 9 cod uu helay.

Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Burtinle Saalax Maxamed Abdulle.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed C/ixmaan Dhabancad ayaa khudbad ka jeediyey Madasha markii ay soo dhammaatay doorashadda Gudoomiyaha Degmada Burtinle iyo Ku xigeenkiisa ayaa Golaha iyo Maamulka Degmada Buurtinle kula dardaarmay inay kawada shaqeeyaan Hormarinta Degmada Burtinle.

Golaha Degaanka cusub ee Degmada Burtinle oo gaaraya 22 xubno, ayaa 7 kamid ah ay tahay Haween, waxaana aad u soo dhaweeyay arrintaas Dowladda Puntland, Waxgaradka iyo Qeybaha Bulshada Degmadaas.