VIDEO: Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo dib ugu soo laabtay Garoowe

Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed “Dhooba-daareed”, oo hogaaminayay Guddiga joogatada ah ee Baarlamaanka oo tababar uga qaybgalay dalka Uganda ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.

Guddoomiye Cabdixakiin Dhoob Dareed oo la hadlay saxaafadda, ayaa sheegay in Magaalada Kampala ay uga qeyb-galeen Tababar saddex Berri, kaas oo ahaa Aqoon is-waydraasi la xiriira Arrimaha Golayaasha Xeer-Dejinta.

Tababarkan ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb-galay Baarlamaanada Maamulada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed “Dhooba-daareed”.