VIDEO: Guddoomiye Dhooba-daareed “Haddey Siyaasadu kacdo waa Badda oo kale”

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Cabdixakiin Dhoobo-Dareed”, ayaa ka hadlay Afar Xildhibaan oo dhowaan ku eedeeyay Madaxweyne Deni Safarkii uu ku tagay Magaala Kismaayo iyo ka qeyb-galkiisii caleema-saarkii Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland.

Guddoomiye Dhooba-daareed ayaa sheegay inuu aad uga xun-yahay Hadalka xildhibaanada iyo jawaabtii ay ka bixiyeen Waxgaradka iyo Shacabka Puntland, isagoona xusay inuu yahay dhaqan aan horey loogu baran Reer Puntland.

“Malmahan Waxaan arkayey Hadalo iyo Jaawabo hawada laysu marinayo mahan dhaqan Puntland lagu yaqaano waxaan oran lahaa waxaa loo baahan yahay in Siyaaasadu inoo degantahay waayo hadii siyaasadu kacdo waa Badda oo kale badduna markay kacdo waxay keentaa ceebo badan” Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Cabdixakiin Dhoobo-Dareed”