VIDEO: Shariif Xasan oo sheegay in uu yahay Musharax Madaxweyne Doorashada 2021

Madaxweynihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa bixiyay wareysigii ugu horeeyay ka dib doorashadii Koonfur-Galbeed December 19, 2018-ka.

Waxa uu uga hadlay Xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, Doorashada heer Qaran ee dalka dhici doonta 2021-ka, Xaaladda Amni iyo midda Siyaasadeed ee dalku marayo iyo arrimo kale.

Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa wareysigiisa oo uu siiyay Tv-ga Jubbaland, ku cadeeyay in uu u taaganyahay Tartanka doorashada Madaxtinimada Soomaaliya ee 2021-ka.