Erdogan oo ogolaaday heshiiska xabad joojinta waqooyiga Suuriya

Turkiga ayaa ogolaaday in heshiis xabad joojin ah laga dhaqan geliyo waqooyiga Suuriya si ciidammada Kurdiyiinta loogu ogolaado inay isaga baxaan halkaas.

Heshiiskan ayaa imaanaya kaddib booqasho uu Turkiga ku tegay madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka Mike Pence isla markaasna kulan la qaatay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Pence wuxuu sheegay in muddo shan maalmood ah dagaallada lagu joojinayo halka Mareykanka uu ka qeyb qaadan doono sidii ciidammada Kurdiyiinta looga soo saari lahaa deegaanada xadka oo uu Turkiga ka waday howlgal uu ku sheegay inuu goob amaan kaga sameynayo halkaas.

Taliye sare oo ka tirsan Kurdiyiinta ayaa sheegay in xooggaga Kurdiyiinta ay qaddarin doonaa heshiiska xabad joojinta looga dhawaaqay deegaanada xadka gaar ahaan magaalooyinka Ras Al Ceyn iyo Tal Abyad halkaas uu dagaal xooggan ka socday.

Ha’yadda fadhigeedu yahay UK ee dusha kala socoto xaaladda xuquuqda aadanaha Suuriya ayaa sheegtay in dagaallada ay weli kasii socdaan magaalada Ras Al Ceyn inkasta oo xabad joojin lagu dhawaaqay.

Ha’yadda waxay sheegtay 72 qof ayaa dhintay halka in ka badan 300,000 ay ka barakaceen siddeedii maalmood uu dagaalka ka socday waqooyiga Suuriya.

Ciidammada Turkiga ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay weerar ka bilaabay waqooyiga Suuriya kaddib markii Mareykanka uu ciidammadiisa kala baxay halkaas.