Gaashaanle Toor “Qorax soo baxday sacabo laguma qarin karo Ceelbuh waa Puntland”+VIDEO

Saraakiisha Ciidamadii dhowaan kusoo biiray Dowladda Puntland ee Magaalada Ceelbuh ee Gobalka Sanaag ayaa u jawaabay Wasiirka Cadaaladda Maamulka Somaliland oo sheegay inay ahaayeen Wax ma tarayaal Somaliland ay lacag siin jirtay oo kaliya.

Taliyaha Ciidankan dhowaan kasoo baxay Maamulka Somaliland kuna soo biiray Ciidanka Difaaca Puntland Mustafe Siciid Toor, ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay hadal Wasiirka Cadaaladda Somaliland, isagoona intaas ku daray “Qorax soo baxday sacabo laguma qarin karo dalku waa Puntland”.