Masuul katirsan Puntland oo caawa lagu dilay Gaalkacyo

Koox hubeysan ayaa toogasho ku dishay caawa Xassan Cabdille Hiraabe oo katirsanaa Wasaaradda Maaliyada ee Dowladda Puntland Xafiiskeeda Gobalka Mudug.

Kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan Booliska Dowladda Puntland.

Xuseen Cabdille ayaa horey u soo noqday xubin katirsan golaha degaanka ee Magaalada Gaalkacyo iyo ku-xigeenka Duqa Magaalada, waxaana hadda uu ahaa Taliyaha Kastamyada Canshuuraha ee Wasaaradda Maaliyada Puntland ee gobolka Mudug.