Puntland oo ka hadashay Doon u rarneyd Ganacsato oo ku degtay Xeebaha Dalka Cuman+VIDEO

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa ka hadlay dooni dhowaan ku degtay dalka Caman una rarnayd ganacsato reer puntland ah.

Xasan Shire Cabdi Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in Dawladda Puntland murugada la qaybsanayso ganacsatadii dhowaan hantidooda ku waayay doonidii degtay.

“Waxaan murugada la qaybsanaynaa ganacsatadii reer Puntland ee hantidooda ku waayay doonidii ku degtay dalka Cuman waxaan leenahay ilaahay ha idin siiyo badal khayr qaba ayuu yiri Wasiirku”

Doonidan degtay ayaa lagu magacabay “CABDI KARIIN” waxana lumay dhamaan hantidii saarnayd waxana ay ka soo caariday xeebaha dalkaasi Cuman.