Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Washington kula kulmay Tibor Nagy

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa waxaa uu kulan gaar ah halkaasi kula qaatay  Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika Tibor Nagy.

Kulanka ayaa waxaa ay uga hadleen horumarka laga sameeyay arrimaha deyn cafinta dib u habeynta Amniga iyo qodobo kale,sida uu sheegay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika Tibor Nagy.

Sidoo kale waxaa ay labada dhinac ka wada hadleen muhiimada ay leedahay horumarinta Federaaleynta iyo diyaarinta doorashooyinka sanadka soo socda.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Washington ee dalka Mareykanka waxaa u sidoo kale kulamo kala duwan la qaadan doonaa mas’uuliyinta ka qeyb-galeysa shirka sannadlaha ah ee Bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta adduunka (IMF).