VIDEO: Madaxweyne Deni “Kismaayo hawada iyo badda culaysbaa ka saarnaa”

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka hadlay xaalada dhaqaale iyo dhibaatooyinka ka dhashay go’doonkii ay saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya Degaanada Jubbaland, gaar ahaan Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland.

“Magaalada Kismaayo hawada iyo baddana culaysbaa ka saarnaa, dhinaca dhaqaalaha culays adag baa ka jirtey isna, waxaan rajaynaynaa ummadda Soomaaliyeed meelkastay joogaan in bulshada badan ee halkaasi ku dhaqan culayska dhaqaale ee saaran looga gurmandoono” ayuu yiri Madaxweyne Deni

Madaxweyne Deni ayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland ku booriyey inay maalgashtaan Magaalada Kismaayo, isagoona mahad-celin u jeediyay ganacsatada Reer Puntland oo uu sheegay inay dhaqaalo fara-badan iyo maal-gashi geeyeen Magaalada Kismaayo.

“Waan ku faraxsanahay shirkado farabadan oo shirkadihii reer Puntland ahaa ayaa ganacsigoodu magaalada Kismaayo ka muuqdey oo maalgashtay, waan rajaynayaa Soomaaliya dhibkii ay soo martay inay ka raysandoonto, hore loo socondoono, nidaamkii Federaalka ahaa inuu hirgelidoono ayaan Alle ka rajaynayaa, dulqaad, wadahadal iyo is-qancin in looga gudbo wax kasta, nidamkeena weli curdinka ahna inuu hirgalaan rajaynayaa”. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland