Wasiirka arrimaha Gudaha XFS oo gaaray Dhuusa-mareeb

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye  ayaa goordhow waxaa ay gaareen Magalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, iyada oo siweyn halkaasi logu soo dhaweeyey.

Wafdiga Wasiirka oo Maalmahaan la hadal haayey inay tagayaan  Dhuusamareeb ayaa waxaa la filayaa inay Ahlusunna kala hadlaan  tabashada ay ka qabto Guddiga Wasaaraddu u Magacaawdey Doorashooyinka Galmudug .

Maalinta Berito ah oo sabti ah ayaa la filayaa in sidoo kale Magaalada Dhuusamareeb ay tagaan wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Xukuumadda

Dowladda Soomaaliya ayaa xilligaan ku mashquulsan xal u helida tabashooyinka ay qabaan hoggaanka Ahlusunna si loo dhiso Galmudug loo dhan yahay,isla markaana la doorto hoggaanka Maamulka Galmudug.