20 kamid ah Dagaalamayaasha Al-Shabaab oo lagu dilay Gobalka Hiiraan

Maamulka degmada Jalalaqsi Hiiraan ayaa sheegay inay dileen ku dhawaad 20 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab kadib markii ay wadada u galeen gaari Caasi ah oo ay la socdeen.

Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi Maxamed Nuur Cagajoof ayaa sheegay in dilka xubnahan uu yimid ka dib markii Ciidanka dowladda ay howlgal ka fuliyeen wadada xiriirisa Jalalaqsi iyo Buulo burde ee gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha oo la hadlayay VOA-da ayaa sidoo kale sheegay in ay Al-Shabaab kasoo furteen 18 qori iyo rasaas, islamarkaana ay warbaahinta ay u soo bandhigi doonaan.

Ugu dambeyntii Waxaa uu xusay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo looga hadlay weerarkaan ay sheegeen Ciidanka dowladda in ay ka fuliyeen gobolka Hiiraan.