Akhriso: 7 Qodob oo laga soo saaray Heshiis dhex-maray Soomaalida iyo Canfarta+VIDEO

Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen labada madaxweyne ee dowlad deegaanada Soomaalida iyo Canfarta dalka Itoobiya ayay ka sheegeen in lagu heshiiyay in ay lala shaqeeyo ciidamada dowladda  federaalka si masuuliyadi ku jirtana ay uga wada shaqeeyaan ismaamuladu sidii xal waara loo gaari lahaa colaadda, iyado ugu danbayn sharciga lagu kala bixi doono.

Sidoo kale kulan seddax geesood ah oo shalay labada madaxweyne iyo ay Xafiiska kula yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Aby Axmed ayaa laga soo saaray qodobada lagu heshiiyay, kuwaas oo ka koobnaa ilaa todoba qodob oo kala ah:

1) In mar kasta rabitaanka Shacabka la tix galinayo.

2) In dadka hubaysan laga kala fogeeyo aaggaas.

3) In ay khalad wayn oo qaranimada Itoobiya meel uga dhacay ay ku kaceen ismaamulka Canfarta markay warar ku tiri ku teen ah ay ku baahiyeen saxaafada dalka.

4) In Degaamaynta cusub ee is-maamulada qaar ay wadaan ay joojiyaan

5) In saxaafada lagu daba galo faafinta wararka beenta ah isla markaana talaabadooda ku haboon laga qaado.

6) In Ciidamada militeriga ay ilaaliyaan amniga iyo nabad qabka shacabka iyo xoolahooda.

7) In Canfartu ay soo celiso xoolaha ay ka dhacday shacabka dowlad deegaanka Soomaalida.