Barnaamij looga hadlayo Dimuquradiyada Waarta oo lagu qabtay Boosaaso+Sawirro

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa Magaalada Boossaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ku qabatay Tababar ku saabsan “Dib-u Heshiisiinta Bulshada iyo Dimuquradiyada Waarta”.

Tababarkan oo loo qabtay qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Magalaada Boossaaso, sidoo kalena ahaa wajigii labaad ee Shir looga dooday hanaankda Dimuquradiyeynta Puntland, ayaa waxaa daahfuray Duqa Degmada Boossaaso C/salaan Bashiir C/salaam.

Tababarkan ayaa inta uu socday diirada lagu saarayay Hanaanka doorashada qof iyo cod iyo sidii Dadka reer Puntland uga gudbi la’hayeen Hanaanka Qabaliga ah ee hada la isku doorto.

Ujeedka Tababarka ayaa aheyd in dadka lagu wacyigaliyo Hanaanka doorashada qof iyo cod, si dadka reer Boossaaso uga qayb-qaataan inay codkooda ku doortaan Hogaamiyayaasha Dalka.

Ugu dambeyntii, Duqa Degmada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari C/salaam Bashiir C/salaan ayaa kula dardaarmay ka qayb-galaayaasha inay casharadan ay halkaan ka bartaan inay kula Laabtaan bulshada ay ka yimaaden.