Dood ka dhalatay furitaanka Taallooyinka Muqdisho ee Madaxweyne Farmaajo!!+Akhriso

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shalay waxa uu daah-furay Taallooyinka Axmed Gurey, Xaawa-taako, Sayid Maxamed iyo Dhagaxtuur kuwaas oo dhammaantood lagu sameeyey dib u hagaajin.

Haddaba Baraha Bulshada ayaa dadweynuhu uga dooday arrinta taallooyinkaas, ku habboonaanta Waqtigan, Ujeedka dowladdu ka leedahay iyo isgarab-dhig dadweynuhu ku sameeyey arrimaha waaweyn ee muhiimka iyo taallooyinkan.

Maxamed Royal ayaa yiri: ”Nabad iyo Nolol sida ay u fikirto haddiiba aan wax uun ka bartay, waa iney ka shaqeeyaan umadda iney mashquuliyaan, madadaaliyaan, iskana horkeenaan. Taallooyinkaan horta uma aysan dhisin daljacayl iyo waddaniyad toona, ee sababta ugu weyni waxey ahayd iney marka horeba aaminsan yihiin in dadka Soomaaliyeed yihiin indha ku garaadle yaal, sidaas darteed laga fakaro wax muuqan kara, saameeyn bulsheed leh, oo aan iyaga qarash iyo shaqaale badan uga baxeyn, misana dadka loogu muujin karo wax qabad weyn. Markale fursad ayey dhex arkeen oo ah in taallooyin kaan ay dhalin doonaan dood, taasna ay siin doonto iyaga fursad looga mashquulo, dadkuna isku jeestaan oo iyagu isku jawaabaan.Hadhow marka la is weydiiyo Nabad iyo Nolol wax qabad keeda jawaabaha ugu soo horreeya waxaa ku jiri doona Taallooyin kii ayey dhiseen. Sheekh Taallo la dhiso oo berri Qarax ka ag dhici karo, maxey Nolosha bulshadaan ka badaleysaa? Xal miyaa loo helay Qaraxii, dhimashadii, dhiiggii, caddaalad darradii, garsoorkii, dhaqaalihii, waddooyinkii xirnaa iyo isku socodkii, sideed qof aan haysan wuxuu cuno TV ugu hadyeyn kartaa?

Ibrahim Haji Adam ayaa yiri: 1991 loo noqonaa haddaad mashaqo, waxa ugu yar oo aad sawirtaa taalladaas oo lala dagay. Wiilal fara fudud Bajaaj dusha ka saarteen, Iyagoo ay u daaran tahay heestii Uunsi.

Yonis Abdi Hassan ayaa isna leh: Horta in uu Muslim ahaa shaki ayaa ku jiro, sabbatoo ah wuxuu amri jiray in umada la soo dhaco dumarka la kufsado siiba kuwa aan qaangaarin ee ka 14 sano, wuxuu kaloo amri jiray xoolaha umada xoog looga soo qaato,
QAMRADIISANA WAYSO BEEY U AHAYD, oo kalay dadku wax ma grato miyaa.

Cabdicasiis M. Waaqici ayaa kudooday:- Mala isweydiiyay marka maamulka NN uu dhaco oo Farmaajo laga guulaysto sidii taalooyinkaan loo ilaalin lahaa sii jiritaankooda , waayo dad isbadalka wadanku galay ku faraxsan baa meelo badan dab qabsiin doona sidii dhacday 8-Feberaayo oo kale.Abdirahman Hudeyfi ayaa isna yiri: Halyeeyo dhintay xusuustooda waxaa igala haboon dadka nool jidad ay nabad ku maraan