Guddoomiye Mursal oo amar dil-dhigay Wasiirada XFS ee ku jira Baarlamaanka+VIDEO

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa sheegay in xildhibaanada Golaha Shacabka Sanadkaan ay u yaallaan Shaqooyin badan, islamarkaana dhammaan laga doonaayo in ay soo xaadiraan.

Gudoomiye Mursal ayaa sheegay in ay jiraan Xildhibaano badan oo ka maqan kulamada kala duwan ee Xildhibaanada Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in uu ku amrayo dhammaan Xildhibaanada baarlamaanka ka tirsan ee Wasiiradda ah in ay soo xaadiraan kulamada xildhibaanada Golaha Shacabka.

Ugu dambeyntii, Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xusay in tirada Xildhibaanada Wasiirada ah ay aad u badan yihiin, islamarkaana laga doonaayo in ay qeyb galaan kulamada baarlamaanka hadii aysan jirin shaqooyin muhiim ah.