Kenya oo shaacisay magaca iyo qabiilka Ninka Al-Shabaab u qaabilsan Weerarada Xuduuda

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay aqoonsatay magaca iyo qabiilka Ninka AL-shabaab u qaabilsan weerarrada ka dhanka ah Ciidamadeeda ka howlgala Sohdinta Soomaaliya.

Booliska Dalka Kenya ayaa sheegay in Cabdullahi Banati oo ka soo jeeda Qabiilka Gaaljecel uu yahay Ninka AL-shabaab mas’uulka uga ah weerarrada ay Ciidamadooda kala kulmaan Gobolka Soomaalida.

Ninkaas ayey sheegeen in uu hoggaaminayay koox 12kii Bishan Miino ku tallaashay degaanka Dhamajaale oo duleedka Libooyo ku taalla.

Weerarkaas waxaa ku geeriyooday 11 ka mid ah Ciidamada Booliska Kenya oo halkaas ka waday howlgal amni sugid ah.

Gaarigii Ciidanka Kenya ee Miinada lala beegsaday.

Jimcihii shalay Ciidamada Kenya ayaa howlgal ka fuliyay sohdinta Soomaaliya iyaga oo raadinayay kooxda ka tirsan Al-shabaab ee uu hoggaamiyo Cabdullahi Banati.

Warbixin ay soo saareen Booliska Kenya ayey  ku sheegeen in Cabdullahi uu qorsheeyay weerarka isaga oo taageero ka helay qubaro dhinaca Miinooyinka ah oo ku sugan Xerada Dhadhabaab sida ay hadalka u dhigeen.