Muqdisho: Dowladda oo Guddi u saaraysa dilkii Taliyihii Guutada GORGOR

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay Guddi u saarto dilka Taliyihii Guutada GORGOR ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaas oo xalay lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Maxamed Suleman Abiikar, ayaa waxaa xalay Magaalada Muqdisho ku dilay Ilaalada Hotelka Naasahablood 2 ee Magaalada Muqdisho.

Ilaalada Hotelka ayaa rasaas ku furay Gaari uu watay Taliyaha oo ka yimid dhinaca waddada Ex Baar Shabeelle,waxaana uu ku dhintay rasaastii ay ku fureen.

Waxaa la dhintay Askari Ilaaladiisa ahaa oo la socday lana saarnaa Gaariga uu Taliyuhu watay.

Sarkaalka xalay lagu dilay Muqdisho ayaa ka mid ahaa Kumaandoosta Soomaaliya,waxaa uu kusoo tababartay Dalka Turkiga,sidoo kale waxaa uu heystay darajada 1aad ee Waxbarashada sare.

Waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii hoggaamineysay howlgalkii Ciidamada AL-shabaab looga saaray Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha hoose 7dii Bishii August ee sanadkan.