Puntland oo joojisay Xafiisyada ay furanayaan Xildhibaanada BFS (Akhriso)

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuquradiyeyta Dowlada Puntland ayaa la faray dhamaan cida ay khusayso in la joojiyey furashada Xafiisyadda Siyaasadeed ee Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ee kasoo jeeda Puntland.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquradiyeynta Puntland ayaa sheegtay in Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka Soomaaliya, ay ku yimaadeen Hab-qeybsiga beellaha, balse aysan ku imaan Doorasho Deegaan.

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquradiyeynta Puntland ayaa sheegtay in aysan jirin wada-tashi iyo is-ogol ay weli Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ka gaareen Doorashooyinka ay ku imaanayaan Xildhibaanada BFS iyo Madaxda DFS soo socda.

Joojinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquradiyeynta Puntland ee Xafiisyadda Siyaasadeed, ayaa kusoo beegmaysa xilli maanta uu Xafiis ka furtay Magaalada Dhahar ee Gobolka Haylaan Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya ahna Xildhibaan kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, kaas oo Puntland ku tilmaamay Sharci-darro.