Puntland oo sharci-darro ku tilmaamtay Xafiis uu Degmada Dhahar ka furtay Wasiir katirsan XFS

Dowladda Puntland ayaa sharci-darro ku tilmaantay Xafiis uu Magaalada Dhahar ee Gobolka Haylaan, maanta uu ka furtay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya ahna Xildhibaan kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyaynta Dowladda Puntland Maxamed Musadaq Maxamed ayaa sheegay in ay tahay in Wasiirku wuxuu u hayo Gobolladaas uu u marsiiyo Puntland.

“Wasiir Jamaal, abti waxaad baalmartay ballantii aad lagashay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Puntland, furitaanka xafiiskana sharci ma aha, Xukuumadda Puntland iyo Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaad u soo marinaysaa hadaad haysid mashaariic horumarineed ee Dowladda Soomaaliya ugu talo gashay degmada Dhahar iyo degmooyinka Haylaan iyo Sanaag” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.

Wasiir Maxamed Musadaq ayaa intaas ku daray “Annaga ayaa toos u gaarsiineyna, horumarka waa wax fiican in aan ka wada shaqeyno,balse waddo ayey leedahay shaqadaas”.

Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Qorsheeynta XFS Xil. Jamaal Maxamed Xasan uu ka furtay Degmada Dhahar ayaa waxaa xadhiga ka jaray Xildhibaan kamid ah Golaha Wakiillada Puntland iyo Gudoomiyaha Gobalka Haylaan ee Dowladda Puntland.