Tobanaan Ruux oo ku dhaawacmay isku dhacyo ka bilowday Gobalka Katalooniya

Iskudhac hor leh ayaa dhax maray booliska iyo dibad baxyaasha gobolka Katalooniya ee dalka Spain, iyadoona dhawr ruux ay ku dhaawacmeen dibad baxyada.

Dibad baxyaasha ayaa ka careesan xukun dhawaantan lagu riday hogaamiyaashii gooni goosadka gobolka Katalooniya.

Booliska ayaa dibad baxyaashii ugu danbeeyay ku qiyaasay in tiro ahaan ay gaarayaan 500,000 oo ruux.

17 ruux ayaa lasheegay in loo xiray dibad baxyadii shalay ka dhacay gobolka halka 62 ruux ayna ku dhaawacmeen. Dadka dhaawacmay 41 kamid ah ayaana lasheegay in ay kasoo jeedaan magaalada Barcelona.

Gudoomiyaha gobolka Katalooniya ayaa dibad baxyaasha qaarkood uga mahad celiyay sida ay shucuurtooda ugu muujiyeen qaab nabdoon, isagoona cambaaray’yay kuwa ay booliska isku dhaceen.