Wararkii ugu dambeeyay ee howlgallo saaka ka socda Gaalkacyo

Ciidanka ammaanka Dowladda Puntland ayaa saaka howlgallo balaaran ka wada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, kaddib markii xalay lagu dilay Magaalada AUN Xasan Cabdille Hiraabe oo ahaa Taliyihii Last amazed Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Gobalka Mudug.

Dilka Masuulkan ayaa waxaa ka dambeeyay Koox hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn, iyagoona ka baxsaday Goobta dilku uu ka dhacay.

Ciidanka Amniga ayaa howlgalkooda ka wada inta badan xaafadaha Magaalada, waxaana ay beegsanayaan goobo gaar ah oo tuhun uu galay, sida ay inoo sheegeen ilo xog-ogaal ah.

Ma jirto illaa hada wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Gobalka Mudug iyo Hay’adaha ammaanka, kuwaas oo ku aadan dilkii xalay ka dhacay Magaalada iyo howlgalada saaka ka socda Gaalkacyo.

Xasan Cabdille Hiraabe ayaa horey u soo noqday xubin katirsan golaha degaanka ee Magaalada Gaalkacyo iyo ku-xigeenka Duqa Magaalada, waxaana hadda uu ahaa Taliyaha Kastamyada Canshuuraha ee Wasaaradda Maaliyada Puntland ee gobolka Mudug.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News