Wasiirka Cadaaladda Puntland oo digniin u diray Culimada (VIDEO+Sawirro)

Masuuliyiinta Wasaradda Cadaalada, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Dowladda Puntland ayaa kullan isugu yeertay qaar kamid ah Culimada Magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Kulanka oo shir guddoomiyay Wasiirka Cadaaladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud, ayaa looga hadlayey Khudbadii jimcada shalay ahaa laga jeediyay Masjidka Huda oo kamida Masaajiyada Garoowe.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud, ayaa sheegay inay Khudbadaasi ay kasoo hor-jeedey midnimda iyo jiritaanka Puntland laguna kicinayay shacabka, waxaana uu sheegay in wixii siyaasada Dawlada ah uu hogaan u leeyahay dalku, aana cidna laga yeelayn kicinta Bulshada.

Si gaar ah ayuu ula hadlay Sheekh Mukhtaar Ahmed Farah oo shalay Khudbad ka jeediyay Masjidka Huda ku soo qaaday xafladii Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland, waxaana wasiirku uu ku eedeeyay inuu shalay danbi ka galay dalka loona baahanyahay inuu raaligalin ka bixiyo.

Sidoo Kale, Wasiir Xaamud ayaa sheegay in uusan xaq u lahayn Sheekhu inuu ka hadlo waxa kismaayo ka dhacay bulshada Puntland hogaankeeda oo kaliya ay wakiil uga yihiin, Wasiirka ayaana intaas ku daray in lagu dhexjiro Culimada oo qaarkood aad moodo inay shaqooyin kale hayaan.

Culimada Kulanka ka qaybgalay ayaa ka garqaatay hadalka wasiirka waxayna madasha ka balan qaadeen inay ka shayn doonaa midnimada iyo nabadgalyada Bulshada.

Wasiirku waxa uu soo hadal qaaday in Puntland aysan ka soo horjeedin Dawlada Federaalka laakiin hogaanka waqtigan aysan diyaar u ahayn inay la shaqeeyaan maamulada waxaa uu xusay in Dawladda Puntland ee waqtigaan ay casuntay Madaxda Dawlada Federaalka iyo Madaxda Maamulada kale.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Cawil Sheekh Xaamud ayaa berri kulan isugu yeeray Guddiga Nabadgalyada Gobolka Nugaal.