Dowladda Hoose ee Deg. Boosaaso oo shaacisay Canshuuraha u soo xarooda+VIDEO

Duqa Degmada Boosaaso ee Gobalka Bari Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa ka hadlay dhaqaalaha kasoo xarooda Degmada Boosaaso iyo howlaha ay ku qabato, waxaana uu duqu sheegay inay wajahayaan xaalad dhaqaale oo aad u weyn.

Guddoomiye C/salaam ayaa sheegay in canshuuraha u soo xarooda Degmada Boosaaso maalintii ay tahay $1200 oo kun o dollar,  marka laga soot ago canshuuraha Kantaroolka iyo Kastamka Gobalka oo aan aheyn mid joogto ah.

Sidoo kale, Waxaa uu sheegay inay ku qabtaan dhaqaalahaas howlo aad u balaaran oo ay ugu horeyso nadaafadda Magaalada Boosaaso, isagoona ugu baaqay Shacabka Magaalada Boosaaso inay si hagar la,aan ah ay u bixiyaan canshuuraha ku waajibay, ayna kula xisaabtamaan Dowladaha Hoose.