Dowladda Soomaaliya iyo Kenya oo heshiis ku gaaray Washington+VIDEO

Wasiiradda Maaliyadda Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku adkeystay in muranka xuduudda badda ee u dhexeeya labada Dowladood uusan joojin doonin gar-gaarka iyo ganacsiga isaga gudba xuduudaha.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Ukur Yatani ayaa suxufiyiinta u sheegay in dacwadda u dhaxaysa dowladaha aysan abuurin cadaawad islamarkaana ay ka wada shaqayn doonaan in mar walba uu xiriirku hagaagsanaado.

Waxaa ay hadalkaan kasheegeen shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaaladda Washington oo ay uga qayb galeen shrirka Bangiga Aduunka iyo Hey’adda IMF, iyagoona meesha ka saaray in heerka kasta oo uu marayo muranka Dowlaha uu saameeyo deris wanaaga iyo wada noolaanshaha.

Wasiiradda Maaliyadda Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay in gar-gaarka la siinayo dadka qoxootiga ah iyo ganacsiga labada dhinac ee xuduudda ka gudbaya aan la hor istaagi doonin, islamarkaana uu u socon doono sida ugu fiican.

Dowladda Kenya ayaa dhowr mar sameysay ficillo ay uga falcelineyso diidmadda Soomaaliya ee ah in muranka badda laga wada xaajoodo, waxayna qaaday talaabooyin xad gudub ku ah qaranimadda Soomaaliya.

Muranka Sooomaaliya iyo Kenya waxaa uu ku saleysan yahay dhulbadeed la eg 150,000 km oo laba jiraan kana tirsan badda Soomaaliya balse Kenya ay u sheegatay in aan sharci ku salaysneyn.

Dhul-badeedka Soomaaliyeed ee ay Kenya sheeganeyso waxaa ka buuxa khayraad-shidaal iyo kuluunba, waxaana Kenya ay mar walba dooneeysa in muranka lagu xaliyo meel ka baxsan maxkamadda caalamiga ah, halka ay Soomaaliya ku adkeysaneyso The Hague uu yaalo xalka muranka.