IMF oo taageertay qorshaha deyn cafinta ee ay waddo Dowladda Soomaaliya.

Agaasimaha maamulka hay’adda lacagta aduunka IMF Mrs Kristalina Georgieva oo Washington kulan kula qaadatay Ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre ayaa Ku dhawaaqday in si buuxda ay u taageersan tahay dadaallada loogu jiro in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay horaanta 2020.

Waxaan kulan mira dhal ah shalay kula qaatay xarunta dhexe ee IMF ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo aan ugu hambalyeeyay dhaqan galinta xooggan ee joogtada ah ee uu ku sameeyay qorshaha dib u-habeynta dhaqaalaha iyadoo ay jireen caqabado badan”ayay tiri Kristalina.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa inta uu ku sugan yahay Mareykanka waxaa uu ka qeyb-galay Shirka IMF Iyo Bangiga Adduunka, isaga oo sidoo kale la kulmay madaxda ka qeyb-gashay shirkaas.