Jaaliyadda Reer Jubbaland ee Norway oo taageeray Axmed Madoobe+Sawirro

Jaaliyadda Jubbaland ee dalka Norwey ayaa soo qaban qaabisay munaasabad lagu taageerayay Caleema saarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Waxaa ka soo qaybgalay qaybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaalida ku dhaqan Oslo Norwey waxaana intii ay socotay munaasabadda khadka Taleefoonka kula hadlay Jaaliyadda Jubbaland ee Oslo Norwey Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay dadaalka iyo midnimada ay muujiyeen,waxa uuna ugu baaqay in ay dalka dib ugu soo laabtaan kana qayb qaataan dhismaha dowladnimada Soomaaliya si aqoontooda iyo xirfadoodaba ugu faa’iideeyaan dadkooda Soomaaliyeed.