Khilaaf ka dhex aloosan Dalalka IGAD iyo Abiy oo ku sugan Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed Ali oo ku sugan Jabuuti ayaa  wada xalinta khilaaf soo kala dhex galay qaar kamid ah Wadamada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD, kaas oo ka dhashay cida qabaneysa Madaxtinimada Urur goboleedka IGAD, kaddib shirkii dhowaan ka dhacay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayuu Abiy Axmed kula kulmay magaalada Jabuuti ee xarunta dalkaas, isagoo  kala hadlay khilaafka ka dhex cusboonaaday Ururka iyo arimo kale.

Kulankii ugu dambeeyay ee Madaxda IGAD ku yeesheen Addis Ababa, waxaa lagu go’aamiyay in Itoobiya iyo Kenya ay is weydaarsanadaan Guddoomiyaha IGAD iyo Xoghayaha Guud ee IGAD.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa hayay xilka Guddoomiye-nimada IGAD oo waqtigiisa dhamaaday, iyadoo uu la wareegi doono Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Sidoo kale, Kenya ayaa iyana wareejin doonta xilka Xoghayaha Guud ee IGAD ee uu haayo Maxbuub Macalin oo ah Soomaali Kenyan, waxaana xilka Xoghayaha la wareegi doona nin u dhashay dalka Itoobiya.

Dowladda Jabuuti ayaa ka soo horjeeda qeyb ahaan go’aankaas hoggaanka IGAD ay isku wareejiyeen Itoobiya iyo Kenya, halka dowladda Federaalka Soomaaliya ay horay u dooneysay xubinta xilka Xoghayaha Guud ee IGAD, waxaana horay u jiray qorshe ahaa in xilkaas loo magacaabo Cabdisalaan Hadliye Cumar oo soo noqday Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya.