Madaxweyne Biixi oo guddi u saaray muranka dhul beereedka Gargaara+VIDEO

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa guddi u magacaabay muran ka taagan dhul beereed ku yaalla degaanka Gargaara.

Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo guddoomiye u ah guddidaas uu madaxweynuhu magacaabay ayaa soo bandhigay magacyada xubnaha uu ka kooban yahay guddigan iyo hawlaha loo igmaday.

Wasiir Saleebaan Koore ayaa sheegay in guddiga uu magacaabay madaxweyne Muuse Biixi oo ka kooban lix xubnood ay kala yihiin.

1. Wasiirka biyaha Saleebaan Cali Koore, Guddoomiye

2.Wasiirka xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga Xasan Maxamed Gaafaadhi.

3.Wasiirka beeraha Axmed Muumin Seed.

4.Wasiirka gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye

5.Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Naasir Caydiid.

6.Wasiirka caafimaadka Cumar Cali Cabdilaahi

Wasiir Saleebaan Cali Koore oo ka hadlay safar ay ugu baxayaan deegaanka Gargaara oo ka tirsan degmada Lughaya ayaa mar uu warbaahinta kula hadlay Hargeysa waxa uu yiri “Waxaanu leenahay waanu imanaynaa waxaanan rabnaa inaanu si nabad leh u xalino wixii lagu kala duwan yahay, cidina yaanay na tirsan, cid aanu dhib u wadnaa ma jirto, cid cadaala daro lagu samaynayo ama xaqoodeeda laga qaadayo”.

Wasiir Koore oo hadalkiisa sii watay ayaa intaas raaciyey “U jeedkeenu waa in umadda la dhagaysto oo lays fahmo oo laga wada hadlo wixii lagu kala duwan yahay, wixii caqliga, aqoonta iyo sharcigu yiraahdana lagu kala yiraahdo, waxan meesha ka dhacayna wax cusub maaha waana wax maalin walba ay Somaliland xaliso.”