Maxaa kala socota qorshaha Mareykanka ee isku xirka saldhigyada Balli-doogle iyo Camp Lemonnier ?+Warbixin

"The Hangar" at MCAF Beledogle Somalia. Marines from the Air Combat Element (ACE) of Marine Forces Somalia cleared out tons of debris, dirt, and bats that had inhabited the hangar. This structure served as the ACE Headquarters building and maintenance facility.

Dowladda Mareykanka ayaa isku xireysa Saldhigyada ay ku leedahay dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti,waxaana socda qorshe dhowr ah oo arrintaas la xiriira.

Dib u dhiska lagu sameynayo Garoonka Ciidanka Cirka Soomaaliya ee Balli doogle oo uu hadda degganyahay Mareykanka ayaa waxaa ka mid ah isku xirka dhinaca Internetka ee labada saldhig.

Wargeyska Indian Newsletter ayaa baahiyay in sharikad Isgaarsiineed oo laga leeyahay dibadda ay qaadaneyso qandaraaska isku xirka saldhigyada Balli Doogle iyo Camp Lemonnier  ee Soomaaliya iyo Jabuuti ku kala yaalla.

Wargeyska kale ee laga leeyahay dalka Mareykanka laguna magacaabo Foreign Policy, ayaa Bishii January ee sanadkan wariyay in Mareykanka uu dhisayo Waddo dhinaca dhulka ah oo isku xirta labada saldhig.

Wasaaradda difaaca Dalka Mareykanka ayaa iyaduna sanadkan sheegtay in dib u dhiska Saldhigga Balli doogle ku bixineyso una qoondeysay $12Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Mareykanka ayaa dhawaan ku dhawaaqay in uu Soomaaliya u soo dirayo 450 Askari oo Mareykan ah kuwaas oo ka qeybqaadanaya howlgalka u adkeysiga xorriyadda ee uu Mareykanka ka wado qaaradda Afrika.

Saldhiggan ayaa waxaa uu 30kii Bishii la soo dhaafay ee September uu weerar kala kulmay  Al-shabaab,waxaana dowladda Mareykanka ay sheegtay in weerarkaas uu kaga dhaawacmay hal askari.

Al-shabaab oo mas’uuliyadda weerarka sheegatay ayaa ku faantay in weerarkaas ay ku dishay 121 Askari oo Mareykan ah iyo shaqaale ka badan afartan oo ka tirsan Qaramada Midoobey.