Turkiga oo ku hanjabay in uu baabi’in doono Kurdiyiinta

Madaxweynaha Turkiga Rajib Dayib Ordogan ayaa sheegay in Turkigu uu bur-burin doono madaxa xoogaga Kurdiyiinta haddii aysan ka bixin agga loogu talagalay nabadda ee waqooyiga Suuriya.

Turkiga ayaa khamiistii ogolaaday in uu joojiyo dagaalka uu shanta maalmood ka waday siiriya taas baadalkeeduna ay Kurdiyiintu dib uga gurtaan meelaha dagaalku ka socdo.

Laakiin hadda labada dhinac ayaa midba midka kalle waxaa uu ku eedeynayaa in uu xabad joojinta jabiyay.

Xukuumadda Anakara ayaa balanqaday in ay markale dagaall adag ku qaadi doonto meelaha ay joogaan kurdiyiintu waxayna ka digtay in ay heshiiskii khamiiistii u hogaansami waayaan

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa sheegtay in Kurdiyiintu ay 16 weerar ku qaadeen magaaladda Raasul Cayn 36kii saac ee lasoo dhaafay.

Hanjabaadda Turkiga ayaa laga baqayaa in ay horseedo in dagaal cusub oo ka billowdo Woqooyiga Siiriya.