Wax badan ka ogow ujeeddada ka danbaysa Xaafiisyada N&N ay Puntland ka furanayso?

Ujeedka Xafiisyada ay ka furanayaan Puntland Wasiirada Nabad iyo Nolol waa qorshe ku aadan doorashada 2021.

Wasiir Jamaal iyo Wasiir Saadiq Warfaa labada Xaafiis ee ay ka kala furteen Goldogob iyo Dhahar mahan kuwa iska caadi ah oo sida bulshada loo sheegay ku kooban adeega Dadweynaha.

Waa Xaafiisyo ka khatar badan inta loo jeedo kana ujeedo fog inta la malayn karo.

Qorshaha Xafiisyadu ma ahan isku xire ama mid ugaar ah Wasiirada ee waa qorshe Dawladda N&N ay uga dan leedahay in ay ka samaystaan gudaha Puntland xarumo sidii Satarlaydkii toos looga hago Villa Somaliya fuliyana hawlo badan.

Ujeedka ugu weyn ee ay ka leeyihiin waa in beesha caalamka u iftiinshaan ama ugu qanciyaan in dalkan doorasho ka dhici karto oo nidaam noocaana lagu geli karo lagana hirgalin karo guud ahaantiis.

Waa wax lala yaabo in kooxda Nabar iyo Naxdin ku fakaraan in ay doorasho Soomaaliaya ka qaban karaan,iyadoon laga heshiin shuruucda iyo nidaamka doorashaddaas.

Sidoo kale waxaa wax lagu qoslo ah Koox Ciidamo shisheeye ay ku waardiyeeyaan goobo cayiman oo ka mid ah Muqdisho in ay isku dayaan khasab wax ku socodsiin aysan cidna la tashan.

Dad badan,ayaa iswaydiinaya Xafiisyadan haddii laga leeyahay ujeeddo wanaagsan sababta loo furi waayay mar hore oo loogu soo aadiyay xili wakhtigu gabagaba yahay laguna jiro olale doorasho,isla markaana Xildhibaan aan waxba uqaban Deegaankiisa in markii doorashadu soo dhawaatay uu Tabeelo muto mahan mid macno usamaynaysa Bulshada.

Wasaarada Arimaha Guddaha Puntland ka hor imaadka furitaanka Xaafiisyadaas waxuu mudan yahay bogaadin.marka la qiimeeyo ujeedka laga leeyahay Xaafisyadaas sida ay ula socotay oo talaabo uga qaaday.