Akhriso: Gobalada iyo Beelaha Wasiirada cusub ee uu magacaabay Madaxweynaha Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magacaabay Wasiir Ku-xigeeno iyo Wasiiru-Dowleyaal, kuwaas oo qeybtood laga wareejiyay Wasaaradihii ay joogeen, halka qaarna ay cusub yihiin.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in magacaabista Wasiir ku-xigeenada iyo Wasiiru-dowlayaashan ay ku timid Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo aqoon, karti iyo waaya aragnimo uleh xilalka loo igmaday.

Hadaba Shabakadda Idil News ayaa hoos idin kugu soo gudbinaysa Gobalada iyo Beelaha ay ka yimaadeen Wasiir ku-xigeenada iyo Wasiiru-dowlayaashan;

Wasiir Ku-xigeeno:

1. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan, (Gobalka Mudud – Beesha Nuux-jibraahil “Majeerteen”)

2. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Bashiir Jaamac Maxamed, (Gobalka Mudug Beesha Reer Maxamuud “Majeerten”)

3. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Cabdicasiis Maxamuud Macallin, (Gobalka Mudug – Beesha Idigfacle “Majeerteen”)

4. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Sucaad Saalax Nuur, (Gobalka Sanaag – Warsangeli-Cumar)

Wasiiru-Dowleyaal:

1. Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Waxaa Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo), (Gobalka Bari – Beesha Cali Saleebaan “Majeerteen”)

2. Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Goleyaasha Maxamed Xasan Ciise, (Gobalka Karkaar – Beesha Kaskii-qabbe)

3. Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Axmed Shire Siciid, (Gobalka Bari – Beesha Cali Jibraahil)

4. Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Fardowso Cismaan Cigaal, (Gobalka Mudug – Beesha Leelkase)