Ciidan iyo Hub ay wateen oo lagu la’yahay Xeebaha Magaalada Marka

Ciidan ka tirsan xoogga dalka iyo hubkii ay wateen ayaa lagu la’yahay xeebaha Magaalada Marka ee Gobalka Shabeellaha Hoose, kaddib markii doon ay la socdeen ay la degtay.

Ciidankan oo katirsanaa Guutada 14 October ee Xoogga Dalka, ayaa doonnidan ay la socdeen kula degtay meel dhanka bari kaga beegan Xeebta Magaalada Marka, waxaana la la’yahay 3 Askari, sida ay sheegeen saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Sidoo kale, illaa 10 askari oo uu ku jiro Taliyaha Ciidanka Milateriga ee Magaalada Marka ayaa la soo badbaadiyay, waxaana socda haatan dadaalo lagu baadi-goobayo askartan la la’yahay.

Ciidamadan ay doontu la degtay ayaa la sheegay inay doonayeen in socdaal dhanka Badda ah ay ku gaaraan Magaalada Muqdisho, maadaama Magaalada Marka ay ku jirto go’doon.

Ciidamada ku sugan magaalada Marka ayaa saanada iyo sahayda waxaa lagu gaarsiiyaa dhanka badda, maadaama ay Al-Shabaab go’doomiyaan magaaladaas, isla markaana dhowr jeer oo hore weerar ka geysteen wadada dhanka xeebta ah ee isku xira Muqdisho iyo Marka.