Dadka Canada oo u dareeray Goobaha Codbixinta

Dadka Canada ayaa u dareeray goobaha codbixinta maanta oo ay taariikhdu tahay 21 October waxayna go’aamin doonaan in muddo xileed labaad la siiyo Xisbiga Liberal-ka ee Ra’iisul Wasaare Justin Trudeau.

Xisbiyadda ayaa shantii todobaad lasoo dhaafay kala jiidanayay codbixiyaasha waxayna warbaahinta isu mariyeen weerar afka ah.

Doorashadda maanta waxaa loo arkaa in ay afti u tahay 47 jirka afartii sano ee lasoo dhaafay wadanka hogaaminayay ee Justin Trudeau, kaasi oo ku guul darreystay balanqaado dhowr ah.

Dhanka kale waxaa dhawaan soo baxay eedo ah in uu jabiyay anshaxa Canada kadib markii uu u dalxiistagay goobo gaar ah iyo in uu jinsi faquuqu sameeyay markii uu ardayga ahaa.

Sidoo kale doorashadaan waxaa ku jira wajiyo cusub oo ay suurta-gal tahay in ay Trudeau ka adkaadaan. 40 jirka hogaamiyaha Xisbiga Conservative Andrew Scheer ayaa wada loolan adag waxaana uu la yimid siyaasado cad kadib markii uu 2017-kii ku guuleystay hogaanka xisibiisa.

Xisbiyo kale oo aan awood badneyn ayaa sidoo kale u tartamaya doorashadda Canada