Dhuusa-mareeb: Taliska Booliska oo War kasoo saaray Isbaarooyinka+VIDEO

Taliska Booliska Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa beeniyey Warar lagu faafiyey Baraha Bulshada oo sheegaya in isbaarooyin la soo dhigay deegaannada duleedka ka ah Magaaladaas.

Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu sheegay in Ciidamada Booliska ay sameeyeen howlgallo kala duwan,isla markaana ay sugeen Amniga Jidka isku xira Magaalada Dhuusamareeb iyo Deegaanka Godinlabe,sidoo kalena aysan jirin wax isbaaro ah oo yaalla.

“Taliska Booliiska Magaalada Dhuusamareeb  waxaa uu u Cadaynaya Bulshada in aysan Jirin wax Jidgooyo ama Isbaaro ah oo yaala Jidkaasi , Waxaana Howl Joogto ah ka Haya Ciidamada Booliska oo Fariisimo ku leh Wadada, sidoo kalana Roondo Joogto ah ka Sameeya Inta u dhexeysa Godinlabe iyo Mareergur ayaa lagu yiri” Warka taliska.

Taliyaha Cidiamada Booliska  Magaalada Dhuusamareeb ahna Taliyaha xasilinta Caasimadda Gaashanle C/laahi Xassan Macalin ayaa sheegay in ay jiraan dad faafinaya warar been abuur ah oo ka dhan ah dhinaca Amniga iyo howlgallada ay Ciidamada wadaan.

Ciidamada Booliska ee ka howlgalla Magaalada Dhuusamareeb ayaa dhowaan howlgallo ka dhan ah isbaarooyinka ka  bilaabeen wadada xiriirisa Magaalada Dhuusamareeb iyo deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud.