Garoowe: Puntland xabsiga dhigtay Askartii ka dambeysay dil xalay dhacay+VIDEO

Xildhibaan Maxamed Cabdi Xaraf, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa sheegay in la xiray Ciidamo lagu tuhmayo inay ka danbeeyay Ninkii dhalinyarada ahaa ee magaalada lagu dilay.

Xildhibaan Xaraf ayaa Shacabka Caasimadda ugu baaqay inay joojiyaan fowdada iyo hantida ay bur burinayaan ,ayna ilaaliyaan xasiloonida.

Sidoo kale, Xildhibaan Maxamed Cabdi Xaraf ayaa dhaliilay Ciidamo loo bixiyay xoojinta Caasimadda ,waxa uu sheegay Garowe inay Ammaan tahay balse hadda Dawladdu ka dhigtay meel furin ah oo Ciidamo tigno watta oo loo bixiyay Ciidanka Xasilinta magaaladii laga hawlgaliyay taasina ay dhib keentay.

Ugu dambeyntii, Xildhibaan Maxamed Cabdi Xaraf ayaa tilmaamay in Garowe aysan u baahnayn ciidamo milatary oo tigniko ku hubaysan in ay sugaan Amniga, balse loo baahan yahay in habka hadda wax lagu wado wax laga badalo oo magaalada sideedii lagu soo cesho oo la tayeeyo Ciidamada Boliska iyo Saldhigyadooda