Jubbaland oo war culus kasoo saartay dilkii Ganacsade Siciid Ciise+VIDEO

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa si kulul uga hadlay dil xalay Magaalada Kismaayo loogu geystay Nabadoon Xaaji Siciid Ciise Cabdi oo kamid ahaa ganacsatada waa weyn ee Jubbaland.

Kooxihii ka dambeeyey dilka Nabdoonka ayaa goobta ka baxsaday, hayeeshee howlgallo ay wadaan Ciidanka Jubbaland ayaysan jirin weli dad ay u qabteen dilkaasi.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan dadka Jubbaland marka hore uga tacsiyeeyey dilka ganacsadaha.

Afhayeenku wuxuu sheegay in laamaha Amniga Jubbaland ay haatan wadaan baaritaanno ku saabsan in gacanat lagu soo dhigo dadkii ka dambeeyey dilkaas.