Kurdiyiinta Siiriya oo ka baxay magaalo xuduudda ku taala.

Dagaalamayaal ka tirsanKurdiyiinta Siiriya ayaa ka baxay magaaladda go’adoonsan ee Ra’sul Cayn, waana dib u gurashadii u horeeysay tan iyo markii heshiis xabad joojin ah la gaaray khamiistii laso dhaafay.

Afayeenka u hadlay xoogaga SDF Kino Gabriel ayaa sheegay in Kurdiyiinta aysan ciidan uga harin magaaladda Ra’sul Cayn silamarkaaana la daad gureeyay.

Balse maleeshiyaad ay taageeyaan ciidaka Turkiga ayaa ku gacan sayray hadalka Kurdiyiinta waxayna sheegeen in qaybo magaaladda ka mid ah ay Kurdiyiintu joogaan, sida ay warisay Reuters.

Wasaaradda difaaca ee Turkiga ayaa sheegay in ku dhawaad 86 gadiid ah oo siday dagaalamayaaal Kurdiyiin ah ay magaaladda ka baxeen waxayna tageen magaalo 40 KM u jirta Tal Tamiir.