Madaxweyne Farmaajo oo u dhoofay Dalka Ruushka+VIDEO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay waxaa ay u ambabaxeen dalka Ruushka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kamid ah hoggaamiyeyaal Afrikan ah oo lagu casuumay Shirweyne ka furmi doona magaallaada loo dalxiis tago ee Sochi ee dhulka Fog ee Raashiya.

Hoggaamiyeyaasha shirkaasi tegaya ayaa waxaa kamid ah Madaxweynayaasha,Jabuuti,Kenya, Masar iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya,waxaana qabaan qaabiyeyaasha shirka ay sheegeen in uu socon doono mudo laba Cisho ah.

Shirkan  oo u dhaxeeya qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo ruushka ayaa waxaa 23-ka Bishaan Octoober siwadajir ah u guddoomin doona Madaxweynaha Raashiya Vladimir Putin  iyo dhigiisa Masar Cabdul Fataax Al-Siisi,waxaana shirkaan diirada lagu saarayaa sidii Dowladda Ruushka ay xiriir ula yeelan laheyd wadamada Afrika, iyada oo dalalka waaweyn ay loolan adag ugu jiraan kasbashada dalalka afrika.