Odayaasha Beesha Mareexaan oo eedeyn u jeediyay MD Farmaajo+VIDEO

Odayaal dhaqameed Muqdsiho u joogay xal u raadinta afduubka Dowladda Federaalka Soomaaliya u geysatay Wasiirka amniga Jubbaland C/rashiid Janan ayaa dib ugu laabtay Degmada Doolow ee Gobalka Gedo.

Suldaan Aadan Maxamed Gurinle iyo Nabaddoon Shire Dhalanhow oo saxaafadda kula hadlay Garoonka diyaaradaha Degmada Doollow ayaa eedeyn u jeediyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoona sheegay in aysan ka helin ixtiraan iyo qaabilaad.