Wasiir Abgaal oo kulamo ka wada Degmada Badhan+Sawirro

Waftigii uu hoggaaminaayay Wasiirka Maaliyadda Dawladda puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa booqday goobo ay ka mid yihiin Garoonka diyaaradaha, bangiga Dawladda, Xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo Xerada Ciidamada.

Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ee kastamka garoonka diyaaradaha ee degmada Badhan ayaa Wasiirka xog dheeri ah ka siiyay hab sami usocodka shaqada.

Wasiirka ayaa sidoo kale booqday bangiga Dawladda laanta badhan iyo xarunta Wasaaradda Maaliyadda, waxana kulan dhanka shaqada ah la qaatay Xisaabiyaha Gobolka iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Intii uu socday kormeerkan shaqo madaxda Dawladdu waxa ay booqdeen Xerada laga hirgaliyay degmada badhan.

Kulan ay wada yeesheen Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta ee Gobolka Sanaag iyo Wasiirka Maaliyadda ayaa looga wada hadlay wax yaabaha ugu dabeeya ee Xerada ka dhiman aydoo dhowaan lafilaayo in Ciidamada Daraawiishta lagu tababari doono.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda, Godomiyaha Gobolka, Duqa Degmada badhan iyo Xisaabiyaha Gobolka sanaag ayaa dhagax dhigay dhismaha Bangiga laanta badhan iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Dhanka kale, Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa booqday hoyga uu degmada ka degan yahay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, isagoona la yeeshay kulan ay uga wada hadleen xaaladda guud ee gobolka Sanaag.