Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland oo gaaray Buuhoodle+Sawirro

Wefti Balaaran oo Uu Hogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka Iyo Dimuquradiyeynta Dowlada Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabamcad ayaa gaaray Magaalada Buuhoodle Ee Xarunta Gobolka Cayn.

Ujeedka weftiga uu Hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradd Arrimaha Gudaha ayaa ah u kuurgalida xaalada nolosha ee Gobolla Cayn iyo Dhismaha Golaha Deegaanka ee Degmada.

Weftiga Wasiir Dhabancad ayaa markii uu gaaray degmada Buuhoodle waxaa meel magaalada ka baxsan kusoo dhaweyey shacabka ku dhaqan magaalada sidoo kale waxaa wasiirka soo dhawayntiisa ka qayb Qaatay Gudoomiyaha Gobolka cayn maamulka degmada iyo masuuliyiinka tirsan golaha wasiirada Dowlada Puntland oo Maalmahan Ku Sugna Magalaada Buuhoodle, Wasiirka ayaa salaan sharaf ka Qaatay Cutubyo ka Tirsan Ciidamada Difaaca Puntland e gobolka cayn.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquradiyeynta Maxamed C/rixmaan Dhabancad, oo saxaafada kula hadlay bartamaha Buuhoodle ayaa ka warbixiyey safarkiisa, waxaana uu sheegay inuu kulamo kala duwan la qaadanayo qaybaha kala duwan ee bulshada Buuhoodle.

Weftiga uu hogaaminaayo Wasiirku ayaa waxaa ay kala yihiin Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Haweenk. agaasimaha Waaxda Dimuquradiyeynta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Madax kale.